Sida looga cusbooneysiiyo caymiskaaga Medicare gudaha MyCarewell503

TALO!

Kahor intaadan ka gujin “Save (Keydi)” gudaha MyCarewell503, fadlan xaqiiji inaad:

  • Hubiso in dhammaan macluumaadka aad gelisay ay sax yihiin
  • Soo geliso dhammaan dukumeentiyada loogu baahan yahay caddaynta lacag-bixinta

Tallaabada 1:

Gal akoonkaaga MyCarewell503

Sawirka bogga gelitaanka ee MyCarewell503 bogga galitaanka (nooca shaashada kombiyuutarka miiska la saaro).

Tallaabada 2:

Tag bogga “Health Insurance Info (Macluumaadka Caymiska Caafimaadka)”

  • Guji “Menu (Tusmada)” (ee ku yaasha geeska bidix ee sare) oo dooro “Member Profile (Bogga Aqoonsiga ee Xubinka)”
  • Guji Health Insurance Info (Macluumaadka Caymiska Caafimaadka)
Sawirka dhaashboodhka MyCarewell503 oo ah nooca kumbuyuutarka.
Sawirka bogga macluumaadka caymiska caafimaadka ee MyCarewell503 oo ah nooca kumbuyuutarka

Tallaabada 3:

Cusbooneysiinta caymiskaaga

Haddii aad hore u leedahay qandaraas caymis (yo) (caymitaan) oo jira waxaad u baahan doontaa inaad:

  • Gujiso “Terminate this policy (Jooji qandaraaskan caymis)” ee hoos yimaada qandaraaska caymis ee hadda jira
  • Gudaha goobta “Terminate Date (Taariikhda Joojinta)”, geli taariikhda goorta aad u baahan tahay in qandaraaska caymiska ee sii jiray uu dhammaanayo AMA maalinta u dambaysa ee bisha hadda 
  • Guji “Save (Keydi)”
  • Ka dibna guji “Add another policy (Ku dar qandaraas caymis oo kale)” si aad ugu darto qandaraas caymis oo Medicare ah oo cusub 
Sawirka qandaraasyada caymis ee MyCarewell503 oo ah nooca kumbuyuutarka.

Tallaabada 4:

Ku darista qandaraaska (yada) caymis ee Medicare (cayminta)

  • Gudaha tusmada hoos u dhaadhaca “Policy Type (Nooca Qandaraaska Caymis)”, dooro waxaad ugu baahan tahay inaad cusboonaysiiso:
    • “Medicare B”; IYO/AMA
    • “Qorshaha Medicare Advantage, Qorshaha Supplement ama Qorshaha Rx (Qaybta D)”
  • Haddii aad u baahan tahay inaad labadaba cusboonaysiiso, waxaad u baahan doontaa inaad si kala gooni ah u sameyso
Sawirka tusmada hoos-u-dhaca ee lagu helo lacag-celinada MyCarewell503 oo ah nooca kumbuyuutarka.

Tallaabada 5:

Ku darista lacag-celinada Medicare Qaybta B

Qadarka lacag-celinta ee hadda ee loogu talagalay Medicare Qaybta B waa ilaa $185 bil kastaa sanadka 2025.

  • Buuxi dhammaan goobaha hoose:
    • Qadarka Khidmada Billaha ah ee Caymiska: $185
    • Taariikhda Dhaqangalka: marka Medicare Qaybta B ay bilaabatay AMA maalinta koowaad ee bisha soo socota
  • Goobaha intooda kale, waxaad uga tagi kartaa iyagoo maran
  • Guji “Choose a file (Dooro fayl)” si aad u soo geliso warqadaada Soshal Sekuritiga
  • Kadibna guji “Save (Keydi)”
Sawirka Qaybta B ee Medicare ee MyCarewell503 oo ah nooca kombiyuutarka.

Tallaabada 6:

Ku darista lacag-celinada Medicare Advantage, Supplement, ama Qaybta D

Qadarka lacag-celinta ee hadda ee loogu talagalay Medicare Advantage, Supplement, ama Qaybta B waa ilaa $50 bil kastaa sanadka 2025.

  • Buuxi dhammaan goobaha hoose:
    • Qadarka Khidmada Billaha ah ee Caymiska: geli khidmadaada billaha ah ee caymiska aad ku bixiso
    • Taariikhda Dhaqangalka: markuu qorshuhu bilaabmay AMA maalinta koowaad ee bisha xigta 
  • Goobaha intooda kale, waxaad uga tagi kartaa iyagoo maran
  • Guji “Choose a file (Dooro fayl)” si aad u soo geliso biilkaada(lashaada) khidmadaha caymiska billaha ah ee Advantage, Supplement, ama Qaybta D
  • Kadibna guji “Save (Keydi)”
Sawirka qaybta Medicare Advantage, Supplement, ama Qaybta D ee MyCarewell503 oo ah nooca kombiyuutarka.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir