Cusboonaysiinta muhiimka ah ee xeerarka u-qalmitaanka dheefaha ayaa dhaqan galaya Oktoobar 1, 2025. Fadlan dib uga eeg hoos soo koobida xeerka la cusboonaysiiyay.
Maxaa isbedelaya oo goormeyna isbeddelayaan?
Guddiga Mu'asasada/Hay'adaha ayaa wax uga beddelayaan xeerka u-qalmitaanka dheefaha ee hoos yimaada Hay'adaha Kaalmada iyo Dheefta sida soo socota:
Laga bilaabo Oktoobar 1, bixiyeyaasha daryeelka waxay u baahan doonaan inay si joogto ah u shaqeeyaan ugu yaraan 40 saacadood bishii si ay u sii ilaashadan u-qalmitaanka dheefaha. Gaar ahaan, waa inaad shaqeysaa ugu yaraan 40 saacadaha kooxda gorgortan bishiiba 2 bilood oo xiriir ah ama dheefahu waxay dhammaan doonaan 1 bil ka dib markaad shaqeyso wax ka yar 40 saacadood bishiiba 2 bilood oo isku xigta.
Tusaale ahaan, haddii aad shaqeyso in ka yar 40 saacadood Oktoobar, laakiin aad shaqeyso 40 saacadood ama wax ka badan bisha Noofembar, waxaad sii wadi doontaa u-qalmitaanka dheefaha. Si kastaba ha noqotee, haddii aad shaqeyso in ka yar 40 saacadood Oktoobar oo aad sidoo kale shaqeyso in ka yar 40 saacadood Noofembar, waxaad waayi doontaa u-qalmitaanka dheefaha laga bilaabo Janaayo 1, 2026.

Waa maxay sababta isbeddelkani uu u dhacayo?
Guddida Mu'asasadu waa maareeyayaasha maalgelinta Kaalmada iyo Dheefta Hay'adaha waxayna samaynayaan isbeddelkan:
- Si loo xaqiijiyo helitaanka muddada dheer ee Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka iyo Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo dheefaha Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha (Employee Assistance Program, DVE)
- Si loo maalgeliyo hormarinta dheefaha oo ay ku jirto xeer cusub oo u oggolaanaya bixiyeyaasha daryeelka inay sii wataan u-qalmitaanka dheefaha inta ay ku jiraan Fasaxa Lacagta leh ee Oregon.
- Si loo sahmiyo horumarinta kale ee dheefaha ee buuxinaya baahiyaha daryeel-bixiyeyaasha.
- Si loo xaqiijiyo in deeqaha Hay'adaha loo isticmaalo in lagu taageero tirada ugu badan ee bixiyayaasha daryeelka ee suurtogalka ah. Mudnaanta koowaad waxaa leh kuwa shaqadooda aasaasiga ahi ay tahay ku shaqaynta ka ahaan daryeel ku bixiye guri, shaqaale bixiya taageerada shakhsiga, ama bixiye daryeel shakhsiyeed oo laga yaabo in aanay marin uga heli karin dheefaha goob kale.
Guddiga Mu'asasadu ayaa go'aankan gaaray ka dib markii ay falanqeeyeen xog dhowr sano ah. Waxay go'aamiyeen in inta badan bixiyeyaasha daryeelka ee hela dheefaha iyada oo loo marayo Kaalmada iyo Dheefta Hay'aduhu ay shaqeeyaan in ka badan 40 saacadood bilaha badankood oo aanay lumin doonin u-qalmitaanka sida hoos imaata sharciga cusub.
Dhigaalo
Carewell SEIU 503 waxay ku siinaysaa macluumaad kaa caawinaya inaad dhex-maaxdo u-qalmitaanka dheefahaaga.
Eeg saacadahaaga shaqada ee aad soo sheegtay
Eeg saacadahaaga shaqada ee aad soo sheegtay adoo isticmaalaya MyCarewell503. MyCarewell503 waa qalab onleen ah oo aad si ammaan ah ugu maareeyn karto dheefahaada Carewell. MyCarewell503 waxaa lagu heli karaa Ingiriis wakhti xaadirkan.
Ka hel shaqooyinka daryeelka gudaha Carina
Carina waa qalab onleen ah oo bilaash ah oo ka socda Carewell SEIU 503 kaas oo kaa caawinaya inaad ka hesho shaqo daryeel oo wakhti-buuxa ah, mid wakhti dhiman ah, iyo kuwa ku meel gaar ah aaggaada. Isticmaal Carina si aad u baadho oo aadna isugu beegdo macaamiisha daryeelka lagu bixiyo guriga ee la xaqiijiyay.
Miyaad u baahan tahay caawin dheeraad ah?
Haddii aad qabto wax su'aalo ah ama aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah ama taageero, naga soo wac lambarka 1-844-503-7348, Isniin-Jimce, 8 am–6 pm PST ama iimayl noogu soo dir barta CarewellSEIU503Benefits@risepartnership.com. Waxaan diyaar u nahay in aan kugu caawino luuqadda aad jeceshahay.
Su'aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo(FAQs)
Goorma ayuu isbedelkani dhaqan galayaa?
Xeerka cusub ee ku aadan u-qalmitaanka waxeey dhaqan galayaan Oktoobar 1, 2025. Dhammaan bixiyeyaasha daryeelka waxay u baahan yihiin inay buuxiyaan shuruudaha cusub ee shaqada ugu yaraan 40 saacadood bishii si loo ilaaliyo u-qalmitaanka laga bilaabo taariikhdan.
Maxaa dhacaya haddii aan shaqeeyo wax ka yar 40 saacadood 2 bilood oo isku xiga?
Haddii aad shaqeyso in ka yar 40 saacadaha oo shaqada kooxda gorgortan ah 2 bilood oo isku xigta, waxaad waayi doontaa u-qalmitaankaaga dheefaha ee hoos yimaada Hay'addaha Kaalmada iyo Dheefaha. Dheefahaagu waxay dhammaan doonaan 1 bil ka dib markaad shaqeyso in ka yar 40 saacadood bishiiba 2 bilood oo isku xigta.
Tusaale ahaan, haddii aad shaqeyso in ka yar 40 saacadood Oktoobar, laakiin aad shaqeyso 40 saacadood ama wax ka badan bisha Noofembar, waxaad sii wadi doontaa u-qalmitaanka dheefaha. Si kastaba ha noqotee, haddii aad shaqeyso in ka yar 40 saacadood Oktoobar oo aad sidoo kale shaqeyso in ka yar 40 saacadood Noofembar, waxaad waayi doontaa u-qalmitaanka dheefaha laga bilaabo Janaayo 1, 2026.
Sideen ku heli karaa saacado badan?
Carina waa qalab onleen ah oo bilaash ah oo ka socda Carewell SEIU 503 kaas oo kaa caawinaya inaad ka hesho shaqo daryeel oo wakhti-buuxa ah, mid wakhti dhiman ah, iyo kuwa ku meel gaar ah aaggaada. Isticmaal Carina si aad u baadho oo aadna isugu beegdo macaamiisha daryeelka lagu bixiyo guriga ee la xaqiijiyay. Booqo Carina.
Maxaan samayn karaa haddii aan shaqeeyo wax ka yar 40 saacadood bishiiba 2 bilood oo isku xigxiga oo aana lumiyo dheefaheyga Ilkaha, Aragga, Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha.
Markaad heysato dheefaha Carewell, waxaad haysataa ikhtiyaarka ah inaad doorato COBRA kaas oo daboolaya khidmadaha ceymisyada caafimaadka ee Ilkaha, Aragga, Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha $40.67 bishiiba gudaha 2025.
Maxaan samayn karaa haddii aan shaqeeyo wax ka yar 40 saacadood bishiiba 2 bilood oo isku xigxiga oo aana lumiyo Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee qorshaheyga caymiska Goob-suuqeedka?.
Haddii aad shaqaynayso in ka yar 40 saacadood bishii oo dakhliga qoyskaaguna uu ka yar yahay $2,500 bishii, waxay u badan tahay inaad u qalanto qorshaha cusub ee Oregon Health Plan (OHP) Bridge. Guji halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qorshaha OHP Bridge.
Xitaa haddii dhimista saacadahaaga ay tahay mid ku meel gaar ah, waxaa muhiim ah inaad adigu iska bixiso khidmadaha caymiska caafimaadka ka dib markaad lumiso u-qalmitaanka Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. Haddii aadan samayn, waxaad waayi kartaa caymiskaaga caafimaadka. Marka aad shaqeyso ugu yaraan 40 saacadood oo kooxda gorgortan ah 2 bilood oo isku xigta, ka dib 1 bilood oo sugitaan ah halka Gobolku uu saacadahaaga u warinaayo Carewell SEIU 503, dheefahaagu way bilaabmayaan. Wakhtigan, waa dib looga dhigi doonaa mid shaqeenayo Kaarkaaga Dukaameysiga.
Tusaale ahaan, haddii aad shaqaysid 40 saacadood bil kastaa bilaha Janaayo iyo Febraayo, waxaa laguugu dabari doonaa Hay'adda laga bilaabo Abriil 1.
Maxeey u beddelmanayaan shuruuddaha u-qalmitaanka? Waa maxay tixgalinta dheeraadka ah ee ay sameeyeen Guddiga Mu'asasadu/Hay'addaha markii ay go'aankan gaarayeen?
Guddida Mu'asasadu waa maareeyayaasha maalgelinta Kaalmada iyo Dheefta Hay'adaha waxayna samaynayaan isbeddelkan:
- Si loo xaqiijiyo helitaanka muddada dheer ee Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka iyo Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo dheefaha Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha (Employee Assistance Program, DVE)
- Si loo maalgeliyo dejinta hormarinta dheefaha oo ay ku jirto xeer cusub oo u oggolaanaya bixiyeyaasha daryeelka inay sii wataan u-qalmitaanka dheefaha inta ay ku jiraan Fasaxa Lacagta leh ee Oregon.
- Si loo oggolaado cilmi-baarista horumarinta kale ee dheefaha ee buuxinaya baahiyaha daryeel-bixiyeyaasha.