Sida looga cusbooneysiiyo caymiskaaga Medicare gudaha MyCarewell503
TALO!
Kahor intaadan ka gujin “Save (Keydi)” gudaha MyCarewell503, fadlan xaqiiji inaad:
- Hubiso in dhammaan macluumaadka aad gelisay ay sax yihiin
- Soo geliso dhammaan dukumeentiyada loogu baahan yahay caddaynta lacag-bixinta
Tallaabada 1:
Gal akoonkaaga MyCarewell503
- Tag MyCarewell503.org
- Waxaad u baahan doontaa magacaaga isticmaale iyo eraygaaga sirta ah
- Haddii tani ay tahay markaagii kuugu horreysay ee aad isdiiwaangelineyso, akhri Hagaha Bilaabida Dhakhsada ah ee MyCarewell503

Tallaabada 2:
Tag bogga “Health Insurance Info (Macluumaadka Caymiska Caafimaadka)”
- Guji “Menu (Tusmada)” (ee ku yaasha geeska bidix ee sare) oo dooro “Member Profile (Bogga Aqoonsiga ee Xubinka)”
- Guji Health Insurance Info (Macluumaadka Caymiska Caafimaadka)


Tallaabada 3:
Cusbooneysiinta caymiskaaga
Haddii aad hore u leedahay qandaraas caymis (yo) (caymitaan) oo jira waxaad u baahan doontaa inaad:
- Gujiso “Terminate this policy (Jooji qandaraaskan caymis)” ee hoos yimaada qandaraaska caymis ee hadda jira
- Gudaha goobta “Terminate Date (Taariikhda Joojinta)”, geli taariikhda goorta aad u baahan tahay in qandaraaska caymiska ee sii jiray uu dhammaanayo AMA maalinta u dambaysa ee bisha hadda
- Guji “Save (Keydi)”
- Ka dibna guji “Add another policy (Ku dar qandaraas caymis oo kale)” si aad ugu darto qandaraas caymis oo Medicare ah oo cusub

Tallaabada 4:
Ku darista qandaraaska (yada) caymis ee Medicare (cayminta)
- Gudaha tusmada hoos u dhaadhaca “Policy Type (Nooca Qandaraaska Caymis)”, dooro waxaad ugu baahan tahay inaad cusboonaysiiso:
-
- “Medicare B”; IYO/AMA
- “Qorshaha Medicare Advantage, Qorshaha Supplement ama Qorshaha Rx (Qaybta D)”
- Haddii aad u baahan tahay inaad labadaba cusboonaysiiso, waxaad u baahan doontaa inaad si kala gooni ah u sameyso

Tallaabada 5:
Ku darista lacag-celinada Medicare Qaybta B
Qadarka lacag-celinta ee hadda ee loogu talagalay Medicare Qaybta B waa ilaa $185 bil kastaa sanadka 2025.
- Buuxi dhammaan goobaha hoose:
- Qadarka Khidmada Billaha ah ee Caymiska: $185
- Taariikhda Dhaqangalka: marka Medicare Qaybta B ay bilaabatay AMA maalinta koowaad ee bisha soo socota
- Goobaha intooda kale, waxaad uga tagi kartaa iyagoo maran
- Guji “Choose a file (Dooro fayl)” si aad u soo geliso warqadaada Soshal Sekuritiga
- Kadibna guji “Save (Keydi)”

Tallaabada 6:
Ku darista lacag-celinada Medicare Advantage, Supplement, ama Qaybta D
Qadarka lacag-celinta ee hadda ee loogu talagalay Medicare Advantage, Supplement, ama Qaybta B waa ilaa $50 bil kastaa sanadka 2025.
- Buuxi dhammaan goobaha hoose:
- Qadarka Khidmada Billaha ah ee Caymiska: geli khidmadaada billaha ah ee caymiska aad ku bixiso
- Taariikhda Dhaqangalka: markuu qorshuhu bilaabmay AMA maalinta koowaad ee bisha xigta
- Goobaha intooda kale, waxaad uga tagi kartaa iyagoo maran
- Guji “Choose a file (Dooro fayl)” si aad u soo geliso biilkaada(lashaada) khidmadaha caymiska billaha ah ee Advantage, Supplement, ama Qaybta D
- Kadibna guji “Save (Keydi)”
