MyCarewell503

MyCarewell503 waxay adeegsataa Create Technology si laguugu sameeyo bog aad gasho oo aad ka isticmaasho kana maarayso dheefahaaga Carewell SEIU 503. MyCarewell503 waxaa lagu heli karaa Ingiriis wakhti xaadirkan.

Isticmaalayaasha foomamka Ingiriisiga, marki la gaadho Luulyo 1, 2024, noocyada foomamka ee soo socda kuma sii jiri doonaan CarewellSEIU503.org. Macluumaadka wuxuu u baahan doonaa in lagu gudbiyo MyCarewell503:

  • W-9 Form (Foomka W9)
  • Foomka Codsiga Wakhtiga Fasaxa Lacagta Leh (PTO)
  • Foomka Sheegashada Magdhawga Khidmada Caymiska Bil'laha ah ee Caafimaadka
  • Foomka Sheegashada Magdhawga Khidmada Caymiska Bil'laha ah ee Medicare
  • Foomka Sixitaanka ee Canshuur Dhimista Khidmada Caymiska ee Hormariska ah
  • Foomka Lacag Wareejinta Elektrooniga ah
  • Foomka Macluumaadka Dheefaha
  • Foomka Ka-faa'iidaystaha
  • Foomka Ka dhaafitaanka Dheefaha
Sideen iskuugu diiwaangeliyaa MyCarewell503?

Gal MyCarewell503.org oo raac tallaabooyinka hoose:

  1. Guji Register as a New User.
  2. Raac fariimaha shaashada soo koraya si aad u hagaajisato akoonkaaga. Geli Lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga oo riix Next.
  3. Xaqiiji in Lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga uu saxan yahay. Waxaad sidoo kale arki doontaa magacaaga. Geli ZIP Code-kaaga iyo Taariikhdaada Dhalashada kadibna riix Next.
  4. Akhri Qodobadda iyo Shuruudaha. Hoos u bax oo haddii aad oggoshahay, dooro “I Accept Terms & Conditions” oo riix Next.
  5. Sameyso oo xaqiiji lambar sireed, kadibna geli cinwaanka iimaylkaaga. Dooro su'aasha ammaanka & jawaab. Kadibna riix Next.
  6. Ka dibna waxaa lagu waydiin doonaa inaad geliso lambarka taleefonkaaga, cinwaanka iimaylka, iyo nooca wada-xiriirka ee aad doorbidayso. Markaad bogto, riix Save Communication ama Continue Later.
  7. Sifada astuurnaanta waxay u sahlaysaa adeegsadaha inuu doorto haddii uu rabo ama uusan rabin inuu la wadaago macluumaadkiisa dadka kale ee ku jira qorshihiisa caymis. Inaad furtid meeshan ayaa tilmaamayso inaadan rabin inaad macluumaadkaaga la wadaagto xubnaha kale ee ku jira qorshahaaga caymis. Riix Save Privacy ama Continue Later.
    Inaad doorato Save Privacy ayaa soo gabagabayn doonta hannaanka diiwaangelinta.

*Ogoow: xusuuso inaad meel ammaan ah ku kaydsato magacaaga adeegsadaha iyo lambar sireedkaaga si aad uga tixraacdo haddii aad iloowdo!

Talo! Waxaad ciinwaanka iimaylkaaga u isticmaali kartaa inaad ka dhigato magacaaga adeegsadaha si ay u fududaato inaad xasuusato.

Waxaan iloobay lambar sireedkayga iyo/ama magacayga adeegsadaha. Maxaan sameeyaa?

Miyaad Iloowday Lambar Sireedka 
Bogga intarnetka ee gelitaanka ee MyCarewell503, ka guji gujo-raaca hoose “Forgot Password?” Raac tilmaamaha bogga xiga si aad u geliso magacaaga adeegsadaha iyo cinwaanka iimaylka. Kadibna waxaad u baahan doontaa inaad geliso 4-ta lambar ugu danbeeya ee lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga, zip code-ka, oo geli lambar sireedkaaga cusub. Gujo-raaca aad ku saxdo lambar sireedkaaga ayaa laguugu soo diri doonaa cinwanka iimaylka ee aan kaa hayno.

Miyaad Iloowday Magaca Adeegsadaha 
Bogga intarnetka ee gelitaanka ee MyCarewell503, ka guji gujo-raaca hoose “Forgot Username?” Wuxuu ku gayn doonaa bog kale halkaas oo aad gelin karto 4-ta lambar ugu danbeeya ee lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga, taariikhdaada dhalashada, iyo zip code-kaaga si ay u xaqiijiyaan qofkaa tahay. Kadibna waxaa lagu waydiin doonaa inaad ka jawaabto su'aashaada ammaanka. Magacaaga adeegsadaha ayaa lagu tusi doonaa.

Waxaan rajaynaynaa inuu kuu noqdo agabkan onleenka ah ee cusub mid habboon oo kuu sahlan inaad isticmaasho. Dabcan, waad na soo wici kartaa ama waxaad inoogu soo diri kartaa iimayl wixii su'aalo ah ama haddii aad u baahato taageero. Nagala soo xiriir lambarka 1-844-503-7348, Isniin – Jimce, 8 am – 6 pm PST ama iimayl noogu soo dir CarewellSEIU503Benefits@RISEpartnership.com.

Eeg boggan FAQ (Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) haddii aad diyaar u tahay inaad sahmiso habkan cusub ee xiisaha badan si aad u hesho macluumaadkaaga Carewell SEIU 503.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir