Tabbabarkaga iyo Dheefahaaga Carewell
Gudbinta taageerada iyo khyraadka aad
kasbatay.
Bidix u jiid si aad wax badan u aragto
MyCarewell503
Wax badan ka ogoow bogga intarnetka ee dheefta ee la qaabeeyay iyada oo adiga maskaxda laguugu hayo.
Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell)
Gal si aad u isticmaasho dhammaan agabka tabbabarka koorsada.
Ku soo dhawoow bogga cusub ee CarewellSEIU503.org!
Waxay inoo sheegeen daryeel bixiyeyaasha inay raadinayeen hab fudud oo ay ugu xirmaan agabyada onleenka ah si ay u maareeyaan tabbabarkooda iyo dheefahooda. Dib u habaynta boggeena intarnetka ayaan rajaynaynaa inaan midaas ku gaarno, iyada oo leh gujo-raacyo ay fududahay in la galo, aaladaha sida MyCarewell503, Carina, iyo Bogga Intarnetka ee Barashada, iyo safka liisaska hoos u baxa oo la ballaariyay. Waxaan rajaynaynaa in waxyaabaha aan baddelayno ay kuu sahlaan inaad faa'iidada ugu badan ka hesho dheefahaaga!
Ku maarey dheefahaaga onleen ahaan
Si sugan ugu maarey dheefahaaga onleen ahaan, 24 saacadood maalinti, adiga oo isticmaalaya MyCarewell503. Markaad isticmaasho MyCarewell503, waxaad maarayn kartaa dheefahaaga Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh (PTO) adiga oo:
- Eegaya ama codsanaya hadhaagaaga PTO
- Hubinaya xaalada lacag bixinta dheefaha
- Ka gudbinaya Form W-9 (Foomka W-9) ama Foomka Lacag Wareejinta Elektrooniga ah
Ilkaha
Ceymiska ilkaha ee lagu bixiyo Kaiser Permanente oo aan lahayn khidmada ceymiska ee bil'laha ah
Aragga + Maqalka
Dheefaha aragga iyo maqalka oo aan lahayn khidmada ceymiska ee bil'laha ah
Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha
Khayraadka arrimaha saamayn kara shaqadaada ama noolasha guriga
Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka
Caawinta kharashka khidmada ceymiska iyo lacagaha qofka uu jaabkiisa ka bixiyo ee Medicare iyo caymiska caafimaadka Marketplace
Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh
Dheef lagaaga caawinayo inaad waqti fasax ah ka qaadato shaqada markaad u baaahato
Carewell SEIU 503 Training
Tabbabarka Carewell waxaa si gaar ah loogu sameeyay shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed sida adiga oo kale. Haddii aad cusub tahay, aad hadda joogto ama aad ku noqoneyso shaqadan muhiimka ah, koorsooyinka Carewell ee Gobalku uu faro waxay bixiyaan 12 saacadood oo ah tabbabar heerkiisu sarreeyo, oo habboon. Raadi goobaheena tababarka ee diyaarka ah iyo kulamada si aad u bilowdo.
Shaqo Raadi
Carina waa agab onleen ah oo bilaash ah oo laga helo Carewell SEIU 503 oo u sahlaya daryeel bixiyeyaasha inay isku beegaan macaamiisha daryeelka guriga ee Medicaid iyo Barnaamijka Dadka Waayeelka ah ee Oregon Lagu Taageero (OPI) ee u dhaw. Isticmaal Carina si aad ugu raadsato shaqooyinka maalinta dhan ah, niska ah, iyo daryeelka bukaanka muddada gaaban ee deegaankaaga.
Sahmi Macluumaad Dheeraad ah
Kheyraadka iyo Foomamka
Hel foomamka diiwaangelinta ee guud iyo khayraadka kale ee muhiimka ah
Xiriirada Dheeraadka ah
Dhaqso jawaabo hel adiga oo raadinaya xiriirka ugu wanaagsan
FAQ (Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo)
Iskaan gareey boggeena Su'aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo si aad u hesho jawaabaha su'aalaha guud
Learn & Connect (Baro & Ku Xidho)
Baro sida ugu wayn ee looga faa'iideysto dheefahaaga. Nagula soo biir Learn & Connect (Baro & Ku Xidho) ee kuu dhaw adigoo qof ahaan ama onlayn ahaan u soo xaadiraayo!